Madaxweyne Qaybdiid oo la dardaarmay dhalinyarada Galmudug

Muqdisho (KON) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku dhaqan deegaanada maamulka Galmudug in ay ka qeyn qaataan sugida amaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Qaybdiid oo la dardaarmay dhalinyarada Galmudug

 

Wuxuu tilmaamay madaxweynaha in maamul weliba ay dad kooban hogaanka u qabtaan, ayaga kaligoodna aysan waxba qaban Karin hadaanan la garab is taagin.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ka codasay dhalinyarada Galmudug in ay meel uga soo jeestaan ka gudbida qabiilka oo uu sheegay in umada Soomaaliyeed dib u dhaceeda uu aasaas u ahaa.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa hadalkani ka sheegay kadib kulan uu magaalada Gaalkacyo kula qaatay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi, isagoona ku goobaabiyay dhalinyaradii uu kulanka la qaatay in ay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta deeganada maamulka Galmudug.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho