Madaxweyne Shariif oo ka qeyb galay Dagaal rayid ay waxyeelo ka soo gaartay

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay Dagaalo iyo duqemo baahsan kuwaa dhaxalkooda uu noqday dhibaato soo gaartay rayidka Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Shariif oo ka qeyb galay Dagaal rayid ay waxyeelo ka soo gaartay

Dagaaladan ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 5 qof waxaana ku dhaawacmay 20 qof, waxaana dhaawacyada dadkaasi la gaarsiiyay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ka dhacay Degmooyinka dhanka Waqooyi bari ee Magaalada Muqdisho sida Kaaraan, C/casiis, Shibis iyadoona wiiftada iyo madaafiicda ay gaarayeen deegaana ka fog halka dirirtu ay ka socoto.

Waxaa la sheegay in dagaalkan uu aaga hore uga Sugan yahay Madaxweyne Shariif isla markaana xalay halkaasi uu ku hoyaday, walaw aanu muuqan talaabooyin horumar ah oo dhinacyada ay ka gaareen Dagaalada.

Dad badan ayaa aaminsan in sababta Madaxweyne Shariif uu aaga hore ee Dagaalka uu u tagay ay tahay dhinacyada ka soo horjeeda oo si weyn ugu soo durkay xarunta Madaxtooyada.

wwww.keydmedia.net