Madaxweyne Shariif: Qaraxii Tiyaatarka wuxuu ku dhacay khalad kayimid Dowlada!

Muqdisho (Keydmedia) - Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho uu ku yimid khalad ka yimid Dowlada gaar ahaan Wasaaradda warfaafinta.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Shariif: Qaraxii Tiyaatarka wuxuu ku dhacay khalad kayimid Dowlada!

"Dhacdadii ka dhacday Tiyaatarka waxaan aamisanahay inuu ka yimid Qorshaha xafladda oo sidii loogu talogalay aan loo sameyn," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Hay'adaha Ammaanka iyo Madaxda dowladda aan la ogeyn Abaabulka xafladda, taasna ay keentay in si fudud looga faa'iideysto.

Sheikh Sharif ayaa sheegay in uu Warsaday Wasaarada Warfaafinta Qorshaha Maamuuska ee Xaflada iyo Dadka kasoo qeybgalaayo, hase ahaate waxba loo keenin, sidoo kale wuxuu sheegay in lagu casuumay munaasabadda balse uu u baaqday Duruufo kale.

"Al-Qaacida maanta waxay isku dayaysaa inay wax walba adeegsadaan," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas hadalkiisa ku daray: "Infiitooyinka la bixiyay ma ahayn kuwo xadidan ama shaabad leh. Anigu waxaan arkay xildhibaan wuxuuna ii sheegay in 10-infiito la siiyay, marka haddii infiitooyin intaas le'eg la bixiyay sidee lagu sugayaa ammaanka dadka."

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu jiro sharci dhigaya in markii xaflado la qabanayo lala socodsiiyo haya'daha dowladda, isagoo ku baaqay in xafladaha la qabanayo lala socodsiiyo hay'adaha ammaanka si looga hortago qaraxii dhacay oo kale.

"Waxaan rajeynayaa Alle idankiis inaysan dhici doonin wixii hadda dhacay oo kale, waxaana hay'adaha dowladda laga doonayaa in xaflada ay qabanayaan ay ku wargeliyaan ha'yadaha amaanka, haddii ay ku wargelin waydo haya'da ayaa si toos ah u qaadanaysa mas'uuliyada," ayuu si ay caro ku jirto uga sheegay kulanka.

Keydmedia.net- Xafiiska Muqdisho