Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalaya munaasabad ka socota Muqdisho

Muqdisho (KON) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu maanta ka warbixiyo safarkii uu ku tagay Maraykanka iyo waliba Aqoonsiga dowlada Maraykanka.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalaya munaasabad ka socota Muqdisho

 

Munaasabad balaaran ayaa haatan waxay ka socotaa magaalada Muqdisho waxaana munaasabadaasi ka qaybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Raysal wasaaraha Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa in uu munaasabadaan qudbad balaaran uu ka jeediyo isla markaana uu kaga hadlo aqoonsiga iyo kulamada madaxda Maraykanka uu la soo qaatay.

Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka ayaa soo dhoweeyay Aqoonsiga dowlada Maraykanka ee Soomaaliya iyo waliba xiriirka wadashayqneed oo ay hada yeelanayaan.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho