Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho (KON) - Ayadoo todobaadyadii ugu dambeeyay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala dalka gaar ahaana magaalada Muqdisho ay la kulmayeen tacadiyo kala duwan oo isugu jira, dilal, Qaraxyo, Jirdil iyo handadaad ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha Dowladda Jahuuriyada Fadrraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ey dhibaatooyin kala duwan la kulmaan xiliga ay ku guda jiraan waajibaadkooda shaqo, isagoo sheegay in Wariyaasha Soomaaliyeed ay u kala qeybsameen qaar la dilo, qaar la dhaawaco iyo qaar dalka ka cararo.

Ugu dambeyntii wuxuu suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan howlahooda shaqo oo aysan u hakinin falalka naf la caarinimada ah ee lagula kacaayo.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho