Magaalooyinka ka tirsan Galmudug oo aan laga soomin

Inta badan magaalooyinka hoos taga Galmudug ayaan maanta laga soomin, iyadoo wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay dhalatay bishii barakeysneed ee Ramadaan.

Warar Keydmedia Online
Magaalooyinka ka tirsan Galmudug oo aan laga soomin

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Magooliyin dhowra oo hoostaga Galmudug ayaan laga soomin maalintii koowaad ee bisha bakareysan ee Ramadaan. Magaalada caasimadda u ah maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, magaalooyinka Guriceel, Gaalkacyo, Cadaado, Xeraal iyo qaar kale oo kamida deegaanada hoos taga Galmudug ayaanan laga soomin maalintii koowaad ee Ramadaan.

Waxaa si caadi ah u furan maqaayadaha iyo goobaha shaaha lagu cabo ee magaalooyinkaasi, iyadoo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya in bishii Ramadaan ay dhalatay, maanta oo ah Talaado ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Qaar kamida culimada ASWJ ee ku sugan degaanada Galmudug ayaa isku raacay in aysan dhalan bishii Ramadaan, waxayna maanta u tahay maalintii 30 -aad ee bisha Shacbaan, waa sida ay qabaane, culimadan ayaa ku doodeysa in aan bisha la arkin, sidoo kalena aan laga soo sheegin gobol kamida Soomaaliya, sidaasi daraadeedna aysan u soomin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].