Magaalooyinka Dalka Ingiriiska oo wali sii Holcahaya (Daawo)

London (Keydmedia) - Rabshado ka bilaabmay waqooyiga London Sabtidii ayaa ku faafay meelo badan ee Dalka Ingiriiska, iyagoo xatooyo u geestay tukamo dabna qabadsiiyay dhismooyin.
Warar Keydmedia Online
Magaalooyinka Dalka Ingiriiska oo wali sii Holcahaya (Daawo)

Weerarka London lagu qaaday waxay ka dhaceen xaafado ku yaalla bariga iyo galbeedka London.

Boliiska iyo shaqaalaha dab damiska ayaa waxaa ku adkaatay inay magaaladda oo dhan badbaadiyaan. Xatooyada badan ayaa dhacday iyadoo boliiska aysan ku filnayn inay joojiyaan.

Qaybo badan London ayaa cabsi ahayd xalay. Boqolaal qof ayaa la xiray.

Tukaamoiyo baabuur ayaa sidoo kale qasaaro loo gaystay magaalooyinka Birmingham, Liverpool iyo Bristol.

Raiisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu soo celinaayo ammaanka iyo sharciga dalka. Wuxuu sheegay waxa dhacay inay yihiin danbi xun oo ah in la jabiyo.

Raiisalwasaaraha ayaa balanqaaday in in toban kun oo boliis dheeraad ah la dhigayo jidadka London, dad badana la xiri doono. Wuxuu kaloo sheegay in baarlmaanka oo fasax ku jira loo yeeri doono Khamiista si ay uga hadlaan xaaladda.