Magacyada Musharaxiintii Buuxisay Sharuudaha laga doonayo

Muqdisho (KON) - Gudiga Qabanqaabada Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay Xubnaha Magacyada Buuxiyay Sharuudaha laga doonayo Tartamaha jagada M/Weynaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Magacyada Musharaxiintii Buuxisay Sharuudaha laga doonayo

Mudane Cusmaan Libaax oo ah Afhayeenka Gudiga doorashada oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shan Shaqsi ay Buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa Musharaxa.

Mudane Cusmaan Libaax waxaa kaloo u sheegay in Musharixiinta Codsaday oo Foomka Qaatay ay kor u dhafayeen 30.

Shaqsiyaadka buuxiyay Sharuuda waxaa ka mid ah:

1 - C/llaahi Axmed Cadoow

2 - Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo”

3 - C/raxmaan Macalin C/llaahi “Baadiyoow”

4 - C/weli Maxamed Cali “Gaas”

6 - C/llaahi Axmed Cadoow

7 - C/llaahi Cilmi Goonjeex

Sidoo kale Afhayeenka ayaa wuxuu yiri in maalinta berito 5-tii oo Galabnimo ay ku egtahay qabashada araajida Musharaxiinta maalmaha soo socdana ay hortagidoonaan Baarlamanka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho