Magacyada Xildhibaanadii qaraxa ku dhintay oo la shaaciyay

Muqidisho (Keydmedia) Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyay maanta magacyada xildhibaanadii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Hotelka Muna ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Magacyada Xildhibaanadii qaraxa ku dhintay oo la shaaciyay

Inkastoo shalay wararkii soo baxayay ay sheegayeen in lix xildhibaan ay geeriyoodeen ayaa hadana wasaarada warfaafinta waxay ku soo koobtay xildhibaanada dhintay kaliya afar xildhibaan kuwaas oo kala ah.

- Idris Muuse Cilmi

-Buulle Xassan Macalin

- Geedi Cabdi Gadiid

-Max'ed Xasan Macalin Nuur

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in ismiidaamiinta iyo rasaasta wada jiray ay ku dhaawacmeen xildhibaanada kala ah:.

-Cali C/qaadir Macalin

-Cali Max'ud Cabdi

-Axmed Shiikh M.Max'ud

-Max'ed Cataaye fariid

-Isaaq Ibraahim Cali

Inkastoo is khilaaf uu ka muuqdo wararka ka soo kala baxay wasaarada warfaafinta shalay iyo maanta ayaa hadana Keydmedia waxay baaris ku heysaa sidii ay ku heli laheyd xogta dhabta ah ee la xiriirta qasaarihii ka dhashay is miidaamintii Shalay ka dhacday Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho.

www.keydmedia.net