Mahad Salaad “Baarlamaanku naftooda ayay difaaci donaan”

Mahad Salaad ayaa xaqiijiyay in Golaha Shacabka la soo galiyay 8 February 2021, ciidamo dhar cad ah oo bastoolado ku hubeysan taas oo uu tilmaamay in ay tahay sharci darro xad gudub ku ah Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad “Baarlamaanku naftooda ayay difaaci donaan”

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhamaaaday ayaa sheegay in Xildhibaanadu aysan aqbalayn, ciidmo aan ahayn kuwa sharciga ah ee Goluhu leeyahay in lala soo galo gudaha gudiga Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa sheegay haddii uu Goluhu mar kale ogolaado in ciidamo aan sharci ahayn la soo galiyo Golaha Shacabka ay xildhibaanadu naftooda difaacayaan iskana ilaalinayaan qatarta ka dhalan karta ciidamada Sharci darrada ah.

“Haddi arrintaasu soo laabato runtii waxaan caddayneynaa in Baarlamaanka naftoodu halis ku jirto laguna qasbanaan doono qof kasta oo mudanayaasha Baarlamaanka ka mid ah inuu difaacu-nafsi galo oo qolo waliba ay ku soo talo gasho in ay naftooda ka ilaaliyaan ciidamadaan sida sharci darrada ah loogu soo daabulayo xarumaha Golha Shacabka iyo hoolka shirarka ee Golaha Intaba”. Ayuu yiri, XIL. Mahad Salaad.

Sidoo kale XIL. Mahad Salaad ayaa cambaareeyay falalkii ugu danbeeyay ee warbaahinta madaxa baannan loogu diiday in ay gudaha u galaan xarunta Golaha Shacabka, iyo handadaaddi ay ciidamada sharci darrada ah ee gudaha golaha la geeyay saxafiyiinta u geeysteen.

Maanta ayaa la filayaa in RW, Rooble ‘Rogane’ uu hor tago Golaha Shacabka, lama oga in Gudoonka Goluhu uu ogolaan doono ciidamada ka socda xaafiiska RW ee xukuumaddu qorsheysay in gudaha loo galiyo hoolka shirarka ee Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.