Mahad Salaad: Farmaajo wuxuu leynayaa Saraakiil Hal Beel kasoo jeeda

Saraakiil ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in qaybta Afisyoone laga dejiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eritrea. 

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad: Farmaajo wuxuu leynayaa Saraakiil Hal Beel kasoo jeeda

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Baarlamaanka 10aad ee waqtigiisu dhamaadey ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu beegsanayo Saraakiil Ciidan oo heyb ahaan hal beel kasoo wada jeeda.

Wuxuu sheegay in Qaraxii Saakay ka dhacay Tixsiile oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo lagu dilay Askar DANAB katirsan uu qeyb ka yahay qorshaha Farmaajo ee dilka Saraakiisha Ciidanka dowladda katirsan, ee Beelaha Hawiye kasoo jeeda.

"Waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad. Kuwana magaalada Muqdisho ayaa guryahooda loogu dhacay si loo dilo, kuwa kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel," ayuu yiri Mahad Salaad.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaadey in Garoonka Muqdisho, qeybta qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay Dalka Eritrea, oo Fahad Yaasiin xiririr dhaw la leh islamarkaana Farmaajo dhowr jeer booqday 2020.

Mahad Salaad ayaa sheegay inay suurogal tahay in Miinooyinka laga keenay Eritrea loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah Siyaasiinta iyo Saraakiisha Ciidanka katirsan, ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo, oo waqtigiisa xukunka waxyar uga haray.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa ku baaqay in la is-ilaaliyo, foojignaan dheeri ahna la muujiyo, si hanbada hartay looga badbaadiyo halaaga uu la damacsan yahay Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.