Mahad M. Salaad oo amray in ilaalada laga qaado Kullane Jiis

Agaasimaha Nabad-sugidda, Mahad Maxamed Salaad, wuxuu qeyb ka ahaa waftiga Madaxweynaha ee maanta u ambabaxay Isku-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay booqasho labo maalin ah ku joogi doonaan.

News Keydmedia Online
Mahad M. Salaad oo amray in ilaalada laga qaado Kullane Jiis

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa amar ku bixiyay in ilaalada laga qaado Kullane Jiis oo ka mid ah shaqsiyaadka ku eedeysan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaalad ka tirsaneyd NISA, kuna maqan gacanta Fahad iyo Kullane tan iyo 26 Juun 2021.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan NISA, Mahad ayaa amar ku bixiyay in askar ka tirsan hay’adda oo ilaalo u ah Kullane lagu soo xareeyo taliska Hay’adda ee Habar Khadiijo, taasoo sababtay in ay kala cararaan ilaaladiisa, waxaana labo ka mid ah maanta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde iyagoo safar u ah Garbahaarrey.

Kullane Jiis, hadda waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, wuxuu hore u soo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda NISA, wuxuu aad ugu dhawaa Fahad Yaasiin, wuxuuna Farmaajo u qaabilsanaa arrimaha Gobolka Gedo, halkaasoo uu jarriimooyin xooggan ka geystay shantii sano ee la soo dhaafay ee awoodda lahaa.

Agaasimaha Nabad-sugidda, Mahad Maxamed Salaad, wuxuu qeyb ka ahaa waftiga Madaxweynaha ee maanta u ambabaxay Isku-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay booqasho labo maalin ah ku joogi doonaan, ka hor inta aysan Talaadad dib ugu soo laaban caasimadda dalka ee Muqdisho.

18 April 2022, ayay ahayd markii Mahad Salaad, hor istaagay isku day ay Kullane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire oo Farmaajo ku heyb ah doonayeen in ay ku handadaan Guddoomiyahii KMG ah ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed [Dhabancad] waxaana xilligaas in ay isku gacan qaadaan ku dhawaaday Mahad iyo Kullane.

Mahad, ayaa wali ku guda jira qorshayaashiisa dib u habeynta ee NISA, xilli uu durba xilalka ka xayuubiyay qaar ka mid ah saraakiishii ku dhawaa Fahad, oo ay ugu horreeyaan, Jeylaani Mohamed, oo NISA u qaabilsanaa, ka war qabka iyo la socodka alaabaha garoonka ka soo dega kana baxa iyo taliyihii NISA ee Garoonka, Khadar Maxamuud (Khaddar Sanka).

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.