Mahad Salaad oo mar 2aad la soo doortay

Mahad Salaad ayaa abaal u galay Qoor-Qoor, isagoo garab istaagey xiligii duulaan Ahlu Sunna kusoo qaadey Maamulkiisa, oo magaaladda Guriceel gacanta ku dhigeen.

News Keydmedia Online
Mahad Salaad oo mar 2aad la soo doortay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Mahad Salaad ayaa Maanta dib loogu doortey kursigii mudada dheer ku fadhiyay, isagoo aan lala tartamin kadib markii Qoor-Qoor uu kursiga u xiray.

Waxaa jira Musharixiin uu MW Qoor-Qoor u diiday inay Mahad la tartamaan Mahad Salaad, kuwaasoo uu kamid yahay Cali Yare iyo Wasiirkii Amniga Galmudug ee shalay is-casilay.

Kursiga waxaa laga dhigay mid uu nin jeebka ku wato, waxaana lagu dulmiyay beelihii lahaa kursiga," ayuu yiri Wasiirka is-casilay Cabdinaasir Cilmi.

C/naasir ayaa intaas ku daray in markii ugu dambeysay ee uu la fariistay Qoor-Qoor uu si cad ugu sheegay in kursiga uu Mahad u balanqaadday, uuna kursiga ku siinayo dariiq kasta.

Doorasho saakay ka dhacday Dhuusamareeb ayaa Mahad kusoo baxay Kursiga HOP147, waana markii 3aad oo uu Xildhibaan noqonayo, isagoo muwaadiniin kale kahor istaagay tartanka.

Doorashadda ka socota Soomaaliya ayaa ah mid u afduuban Madaxda Maamulada, oo cida ay rabaan kusoo saara, qofkii siyaasad ahaana kasoo horjeeda u diida inay tartanka soo galaan.

Siyaadda waxaa qaribay Farmaajo, oo u sabab ah inay doorashadda sidan noqoto, maadaama intii uu xafiiska joogey uusan ka shaqeynin in dalka u horseedo doorasho xor iyo xalaal ah.

Mudadii Farmaajo xukunka haystay, Soomaaliya dib u dhac weyn ayaa ku yimid xili ay ku jirtay kasoo kabasho dagaalladii Sokeeye, ee ka dhashay nidaamkii kaligii-taliska Siyaad Barre.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.