Mahad Salaad oo ka hadlay xaaladda amni ee Galmudug

Xildhibaan Mahad Maxamad Salaad oo ka mid ah Barlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay xaaladaha Amni ee kasoo cus-boonaaday Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad oo ka hadlay xaaladda amni ee Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya -  Xildhibaanka ayaa ku baaqay, in la iska difaaco Kooxda Al-Shabaab iyo waxa uu ugu yeeray danaystayaalka ku hoos duugan.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku bilaawday, “Galmudug waa in laga difaaco Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan!

Muddo labo bilood ah Al-Shabaab waxay weeraro joogto ah ku hayaan Degmooyin iyo Tuulooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaareen agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas degganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen.

Sidoo kale xalay waxay qabsadeen Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Degmada Matabaan xalay ciidamo ayay soo dul dhoobeen. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood.

Weerarka Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug, Isbaarooyinkii maleeshiyaadka ee dib u soo laabtay iyo Habacsanaanta maamul iyo amni ee Galmudug ka jira dhamaantood waa arrimo isbiirsaday halistoodana leh. Waxaan ku talinayaa dadka reer Galmudug in ay isku tashadaan loona diyaar garooba ka difaac dadka iyo deegaanada Galmudug kooxaha Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan”.

Hon. Mahad Salad

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.