Mahdi Guuled oo raali-gelin ka bixiyay hadal shaki abuurey

Waxa uu ka hadlayay Madasha Shirka Hertitage ee Aragti wadaagga oo ka socda maalintii 2aad magaaladda Garoowe.

Warar Keydmedia Online
Mahdi Guuled oo raali-gelin ka bixiyay hadal shaki abuurey

GAROOWE, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa raali-gelin ka siiyay Musharixiinta hadal shaki badan dhaliyay, oo Nov 2021 ka jeediyay Tiyaatarka Qaran, oo ahaa inuu Farmaajo ku adkaan doono wareegga 1aad doorashadda Febuary 8. [Halkan ka akhri Khudbadiisa].

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka wuxuu sheegay in hadalkaasi uu si kaftan ah u yiri, balse aan ka tarjumeynin aragtida dowladda u katirsan tahay, isagoo xusay in doorashadda ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, oo loo wada dhan yahay dhamaan Musharixiinta.

Mahdi oo ah shaqsi aad ugu dhaw Farmaajo ayaa afkiisa soo dafay qorshaha Farmaajo ee ah in doorashadda qaranka ay lamid noqoto midii uu ka qabtay Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, oo dhamaan ay kusoo baxeen rag ay Villa Somalia gadaal ka riixaysay.

Magaaladda Garoowe, ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa isagu tagey Musharixiinta Mucaaradka intooda badan, oo Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre ay kamid yihiin iyo xubno sare oo dowladda ka socda.

Waxay si gaar gaar ah isku arkayaan labada dhinac xilliyadda habeenkii marka uu Shirka Heritage dhamaado, iyadoo ay Deni iyo Qoor-Qoor u kala dab-qaadayaan, waxaana la filayaa inay isagu yimaadaan kulan guud oo arrimaha khilaafka doorashadda uga hadli doonaan.

Mahdi Guuleed waa nin kasoo jeeda Somaliland, oo si indha la'aan ah u taageeraa Farmaajo, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay mas'uul musuq-maasuq badan islamarkaana nin jeclaysiga ku caan baxay, isagoo labadii bilood ee uu ahaa sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha lunsadey lacag badan, sidoo kalena xafiiskiisa keenay dhalinyaro beeshiisa ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.