Mahdi Guuleed: Doorashada 2021 wareegga Koowaad ayaa lagu kala baxayaa

Mahdi ayaa sii caddeeyey in doorshada 2021 uu soo noqon doono Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Mahdi Guuleed: Doorashada 2021 wareegga Koowaad ayaa lagu kala baxayaa

Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed oo manta khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho ayaa sheegay in doorashada Madaxweyne ee dhici doonta Febraayo 2021 ay la mid noqon doonto kuwii dhacay Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay in dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyadan ay kusoo baxeen wareeggii Koowaad, taasi oo ka dhigan in doorashada 2021 ay musuqi doonaan si Farmaajo uu ugu soo baxo wareegga Koowaad.

Mahdi ayaa sheegay in dalka aanu u baahneyn xilligaan in marba qof la tijaabiyo, balse uu u baahan yahay in qofkii mar la tijaabiyey in shaqada uu sii wado, isaga oo kala jeedo Farmaajo hala doorto.

“Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa tusaale idinkugu filan, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed xildhibaanadii waa shireen, tartan baa dhacay, la isma laheyn sida ay wax u dhaceen ayey wax u dhacayaan, isbadal baa dhacay, madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen wareegii koowaad ayuu aqlabiyad ku soo baxay, mar labaad waxaan ogeyn Galmudug, Qoor-qoor wareegii koowaad ayuu aqlabiyad kusoo baxay, mar saddexaad waxaan ogeyn Hirshabeelle, Cali Guudlaawe wareegii koowaad ayuu kusoo baxay, markaan waa xiligii wareega koowaad 2020 yaan loo deymo la’aan”

Mahdi Guuleed oo dhanka kale u muuqday inuu u jawaabayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in laga baxay waqtigii qabiilka lagu Owr kacsan jiray.

“Ummada Soomaaliyeed waa ay ka gudubtay qabiil iyo xilligii lagu Owr ksan jiray oo macaash lagu raadin jiray, waxaana ay fahMeen dowladnimada waxaa ay tahay ayuu yiri"

Farmaajo ayaa doonaya in doorashada soo socota uu isagu ku guuleysto, waxaana xubnaha isaga ka hooseeya ee howshan la wada marar badan kasoo fakatay sirta iyo qorshaha ay damacsan yihiin.

Inta badan musharraxiintii ugu cad-cadaa ee tartanka la geli lahaa Farmaajo ayaa aad u dhaliilay guddiga doorashada ee u badan "xubnaha ciyaalka xaafadda".

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.