Mahdi Guuleed oo hambalyo udiray Somaliland

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa hambalyo udiray Somaliland oo maalinimada berri ah udareereysa cod bixinta

Warar Keydmedia Online
Mahdi Guuleed oo hambalyo udiray Somaliland

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa hambalyo iyo dardaaran u diray mas'uuliyiinta iyo shacabka Somaliland ee berri u dareeraya doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Waa markii ugu horreysay mas'uul ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana haya xil sare uu diro dhambaal kan oo kale ah, isagoo nidaamka dimuqraadiga ku ammaanaya madaxda Somaliland ayuu yiri "Walaalaha Koofureed waxaan ugu baaqayaa in ay cashir ka bartaan  sida xorta ah oo xalaasha ah oo qofka muwaadinka ahi codkiisa ugu dhiiban karayo doorashada Soomaaliya ee soo aaddan 2025"

Mahdi Guuleed wuxuu ku faanay in uu qeyb ka ahaa horumarka dimuqraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay Somaliland, intii udhaxaysay sanadkii 2001 ilaa 2017 ayuu sheegay inuu kasoo shaqeeyay guddiyadii doorashooyinka Somaliland.

Inta badan mas'uuliyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Soomaaliya marka ay joogaan Muqdisho oo ay xilal ka hayaan dowladda dhexe waxay muujiyaan in ay yihiin dad ay ka go'antahay midnimada, waxayna dhaliilaan fikirka gooni-u-goosadka ee Somaliland iyagoo ku tilmaama aragti gaaban, balse markii uu dhammaado muddo xileedkooda waxay dib ugu laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo cafis weydiisanaha madaxweynaha markaas talada haya, Ra'iisul wasaars ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Ismaaciil Hurre oo isna soo noqday wasiir ayaa kamida mas'uuliyiinta dib ugu laabtay dhulka maamulka Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.