Mahdi oo booqday Xabsiga Dhexe

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan [Shub], ayaa warbixin ka siiyay sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Warar Keydmedia Online
Mahdi oo booqday Xabsiga Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa Maanta kormeer ku tagey Xabsiga Dhexe ee Xamar, 15 maalmood kadib weerarkii Al-Shaabab kaasoo ay kaalin ka qaateen Saraakiil katirsan Asluubta.

Weerarkii 10-kii bishan dhacay waxaa ku geeriyoodey 19 qof, oo 15 ka mida ay ahayd maxaabiistii Xabsiga ka dhex dagaalantay. Hal Maxbuus oo Al-Shabaab ah ayaa baxsaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.