Mahdi oo warbixin laga siiyay weerarkii Xabsiga Dhexe

Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa gudiga kula dardaarmay inay baaritaankooda kusoo gaba-gabeeyaan mudo 10 maalmood ah, oo hadda 8 maalin uga hartay.

Warar Keydmedia Online
Mahdi oo warbixin laga siiyay weerarkii Xabsiga Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa wali warbixin dhameystiran laga soo saarin baaritaankii ay dowladda sheegtay inay ku sameynayso weerarkii dhimada badan sababay ee ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe, kaasoo ay ku dhinteen 19 qof, oo 15 kamid ah maxaabiis ahaayeen.

Mahdi Maxamed Guuleed, sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Gudiga, isagoo ka dhageystay warbixin hordhac ah oo ku saabsan sidii ay wax u dhaceen iyo xaaladda sida ay tahay hadda.

Wuxuu Mahdi u sheegay gudiga in hal todobaad gudihiisa kusoo gaba-gabeeyaan baarista, islamarkaana ay macluumaad buuxa usoo gudbiyaan xukuumadda, si ay u qaado tallaabooyinka uga jawabayso dayacaadda amni ee xabsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.