Majaajiliiste Marshaale oo la toogtay

Muqdisho (Keydmedia Online) - Rag Hubeysan ayaa Caawa Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ku toogteen Majaajileystaha Caanka Cabdi Muriidi oo ku caan sanaa "Marshaale".
Warar Keydmedia Online
Majaajiliiste Marshaale oo la toogtay

3 Rag aan ilaa iyo hada la aqoonin ayaa Xilligii Afurka toogteen Majaajileystaha Marshaale xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi kadibnah goobta ka baxsaday.

Allah ha u naxariistee Marshaale wuxuu caan ku ahaa majaajilooyinka Qosolka leh oo qaarkood uu mararka qaar arimaha siyaasadda ku tilmaami jiray halka ay marayaan.

Ma cadda sababta dilkiisa ka dambeysa, Hase yeeshee dilalka loo geysto dadka ka shaqeeya warbaahinta ayaa sare u sii kacay gudaha dalka.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho