ICJ oo ku dhawaaqday waqtiga dhageysiga dacwada badda

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in waqtigii loo madlanaa ay dhaceyso dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
ICJ oo ku dhawaaqday waqtiga dhageysiga dacwada badda

THE HAGUE - Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ay dhacayso 15 March oo ah xilligii la qorsheeyay.

Hoolka The Peace Palace ee Hague ayaa la isgu tagi doonaa 15-ka bishaan, saacaddu markay tahay 3:00PM, Waxaana xaadiri doona  xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay Video uga qayb gali doonaan.

Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama Video ayeey uga qayb gali karaan.

Maxkamadda ayaa Hore u sheegtay in dhagaysiga kiiskaasan uusan dhaafi doonin taariikhda loo asteeyay kadib markii Kenya isku dayday in ay dib u dhigto markii Afraad.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in faahfaahinta jadwalka dhagaysiga oo dhammaystiran gadaal laga soo sheego doono.

Siduu ku billowday muranka xuduud-badeedka?

Sannadkii 2000 saraakiil Kenyan ah ayaa helay xog ay soo saartay shirkadda saliidda ee [Norwegian Oil Firm], taas oo sahmin shiidaal Soomaalia ka  samaysay 1987 ku ogaatey in aagga xuduud-badeedka Soomaaliya la wadaagto Kenya uu ku jiro saliid iyo gaas dabiici ah, midka ugu badan oo dalka Africa ku yaalla laga helo.

Soomaaliya xilligaas xiligaas waxay ku jirtay marxalad adag, oo dowlad la’aan ah, waxayna dhex-dabaalanaysay duruufo amni, abaaro, barakac iyo dagaal sababay in dad badan dalka ka cararaan.

Sannadkii 2005 Kenya ayaa wafdi u dirtay Baydhabo oo xiligaa xarun u ahayd dawladii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdullaahi Yuusuf, si ay uga dhaadhiciyaan in xudduud-badeedka labada dal wax laga baddalo, balse isku-daygaasi fashilmay kadib markii laga diiday.

Dawladdii C/llaahi Yuusuf ayaa diiday in wax wada-hadal ah uu kala furto Kenya xuduud-badeedka Soomaaliya, maadaama shaki la gelinayo madaxbanaanida dhuleed, badeed iyo cireed ee dalka iyo qaranimada.

Khilaafka ayaa si weyn usoo shaacbaxay 10kii Maarso 2009, markii Kenya sheegtay in ay leedahay 200 nautical miles oo cabbirka badda ah una dhiganta 116,000 KM², kaddibna ay qoraal hordhac ah u dirtay guddiga UN-ka ee xadaynta iyo qaabaynta xuduud-badeedka ee magaciisa loo soo gaabiyo CLCS.

Dhul-badeedka lagu muransan yahay oo ku yaalla badweynta Hindiya cabbirkiisu waa boqol kun oo Kiilo-Mitir, oo afar-jibbaaran [100 000 square kilometers], waxaana laga helay Gaas iyo Saliid [hydrocarbons].

Bishii April ee 2009, Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kala saxiixday Nairobi heshiis is-afgarad ah [MoU], waxaana xilligaasi dalka ka jirtay dowlad aan awood lahayn oo KMG ah oo Sheekh Shariif madax u yahay.

Wuxuu dhigayaa Heshiiska in dal walba si iskiisa ah ugu gudbin doono xogta dhul-badeedkiisa gudiga Qaramada Midoobey, iyadoo laga yaabo in mid walba xogtiisa ku darsaday dhulka muranka uu ka jiro.

Warqadda heshiiska MoU, ee uu saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishkuur waxaa la sheegay inuu soo qoray Ra’iisal Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid, waxaana la ogaaday in Soomaaliya aysan heshiiskaasi qoraalkiisa wax fikrad ah ku lahayn oo uu ahaa mid Kenya soo diyaarisay.

Dooda labada dal iyo go’aanka ICJ

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxuu haatan socdaa in ka badan 6 sano, laga soo billaabo markii maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda [ICJ] loo gudbiyay, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Kenya waxay doonaysaa in xudduudka laga cabiro dhanka bariga, oo ku began koonfur bari magaalada Kyunga, halka Soomaaliya ay dooneyso in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka.

Sanadkii 2010, Kenya waxay xaraashtay xirmooyin shiidaal oo ku jira aag badeedka lagu muransanyahay.

Xirmooyinka Kenya xaraashatay ayaa kala ah: L21, L22, L23 iyo L24, iyagoo ka iibisey shirkadaha shiidaalka ee Stat, ENI iyo Total, waxaana tallaabadaas u muuqatay mid lagu boobayo khayraadka wadanka Soomaaliya.

Muranka ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii Soomaaliya ay August 2014 dacwad Kenya ka dhan ah u gudbisay ICJ, kuna eedeysay Kenya ku xadgudub shuruucda caalamiga ah iyo xudduud badeedka Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya, ayaa sheegtay inay go’aankaas qaadatay kadib markii ay soo xirmeen dhammaan albaabadii kale ee wada-hadalka ee xalka looga gaari lahaa khilaafka, waxaana tani ka nixiysay Kenya, oo markii hore doonaysay si hoose kiiskan loo dhameeyo, meel ka baxsan Maxkamadda.

Kenya ayaa codsatay in ICJ ay dacwadda dib usoo celiso oo loo oggolaado labada dal inay ka wada-hadlaan khilaafka, laakiin maxkamadda ICJ ayaa Febuary 2017 joojisay codsigii Kenya, iyadoo ku qanacday dooddii Soomaaliya ee ahayd in sharciga iyo maxkamadda caalamiga ee ICJ lagu kala baxo.

Dhageysiga kiiska badda oo dhowr jeer dib u dhacyo ku yimid, ayaa sanadkii tagey dhamaadkiisa waxay ICJ oo fadhigeedu yahay magaaladda Hague shaacisay in ay go’aan kasoo saari doonto 8-da bisha June ee 2020-ka.

Wuxuu ku yimid go’aan in 2020-ka la qaado dacwadda codsi ka yimid dhanka Kenya, oo ahaa in hal sano dib loogu dhigo kiiska, si ay usoo diyaarsato koox qareenno ah iyo sharci-yaqaanno u doodi doona.

Xilliga lagu soo beegay dhageysiga iyo go’aan ka gaarista kiiska badda waa waqti Soomaaliya isku diyaarinayso doorasho, oo ku jirto kala guur, waxayna u muuqataa qorsho Kenya loogu hiilinayo, islamarkaana la damacsan yahay in loogu xalaaleeyo badda Soomaaliya.

Keydmedia Online, ayaa 6 sanno kahor iyadoo aan kiiskan soo shaac-bixin qortay in badda Soomaaliya loo sahlay Kenya inay yeelato, iyadoo arintaana u fududeynayaan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo dano dhaqaale leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.