Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ninkaan ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Shaale Siidii waxaana uu kamid ahaa dadka xoogsatada ah ee Magalada Kismaayo, waxaa ay Maleeshiyaadku soo qabteen xili uu shaqeysanaayay, iyagoona ku aadeeyay inuu galay dambiyo xatooyo ah.
Mudo dhowr bilood ah ayuu ku dhibaataysnaa Xabsiga, waxaana Saaka laga warheliyay Meydka Ninkaan oo dhex yaala Xabsiga gudihiisa.
Maleeshiyaakada Shabaabka ee Kismaayo oo ka hadlay dilka qofkaan waxaa ay sheegeen in ninkaan uu xanuun u geeriyooday, sida uu sheegay Horjoogaha Shabaabka ee Jubbooyinka Sheekh Abukar Cali Aadan.
Qaraabada Ninkaan oo aad u murugaysan oo saaka la kulmay Wariyaha Keydmedia ee Kismaayo ayaa u sheegay inay aad ugu murugaysanyihiin in wiilkooda si dheel dheel ah lagu dilay, iyagoona sheegay inaysan garanaynin meel ay u raacdaan magta wiilkooda.
Kooxda Shabaabka ayaa waxaa ay maalin kasta deegaanada ay ka arrimiyaan ku dilaan ilaa 50 qof oo rayid ah iyagoona siyaabo kala duwan u eedeeya.
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments