Maleeshiyaadka Raaskambooni oo ka dambeyay Dilkii Guddoomiyihii Odayaasha dhaqanka Beesha Sade!?

Nairobi (KON) - Waxgarad Siyaasiyiin ,Culumaa’udiin iyo aqoonyahanno ay ehel wadaag ahaayeen Nabaddoon Ismaaciil Qalinle oo ahaa Guddoomiyihii odayaasha dhaqanka Beesha Sade oo kooxa hubeysan dhawaan ay ku weerareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose una geeriyooday dhaawac weerarkaasi ka soo gaaray ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ay si kulul ucambaareeyeen weerarkaasi.
Warar Keydmedia Online
Maleeshiyaadka Raaskambooni oo ka dambeyay Dilkii Guddoomiyihii Odayaasha dhaqanka Beesha Sade!?

Axmed Sheekh Xuseen oo ka midahaa dadkii ka qayb galay kulankaasi ayaa isagu waxa uu wax laga Xumaado ku tilmaamay dilka Nabadoonkaasi isagoo Masuuliyiinta dowladda ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka dhacaya Magaaladaasi Kismaayo ee Jubada Hoose.

Waxgaradka ayaa xusay in Magaalada ay Maamusho jabhad taasi oo waxa ay doontyo ka sameysa gudaha Magaalada dowladuna ay Masiuuliyad ka saarantahay dadkaasi shacabka ah

“Dilkaasi iyo kuwa ka horeeyaba waxaa geestay Jabhadda Maamusha Magaalada Kismaayo “Sidaasi waxaa yiri Axmed Sheekh Xuseen oo ka midahaa waxgaradkii kulanka ka qayb galay

Sikastaba dhawaan ayey ahayd markii dabley hubeysan Gudaha Magaalada Kisamayo ay ku weerareen Guddoomiyihii odayaasha dhaqanka Beesha Sade kaasi oo dhaawac weerarkaasi ka soo gaaray ugu geeriyooday Magaalaad Muqdisho.

W/Q: Muxuyidiin Xasan Max’ed Xusni - Freelance Journalist