Maleeshiyada Raas-Kambooni oo bililaqeystay Idaacad Ku taala Kismaayo

Kismaayo (KON) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada Raas-Kamboni ay Billaqo kula kaceen Idaacad ku taala Magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Maleeshiyada Raas-Kambooni oo bililaqeystay Idaacad Ku taala Kismaayo

Maleeshiyadka ayaa Xiray Idaacadaan isla markiiba la furay, waxeyna Qaateen Qalabkii Idaacada oo ay ku jiraan FM-tii, Miksarkii iyo Taawerkii Idacaada.

Idaacada Bililaqada loo geestay ayaa lagu magacabaa "Codka Soomaaliya" waxana ay xireen Maleshiyaadkaan ka amar qaata Axmed Madoobe Tafaftirihii Idacada.

Agaasimaha Idaacadasi Abdi Fitax Gayare ayaa u sheegay Keydmedia Online in Idacaadi la xiray qalabkiina la qaatay.

Idaacada oo aheyd mid madaxbanaan Maalmahaana si tijaabo ah hawada ugu jirtay ayaa waxaa gudaha u soo galay Maleshiyaad ka amar qaata Axmed Madoobe kuwaa oo Boob iyo Bililaqo ku kaca.

Lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee ka dambeesa xiritaanka Idacaadasi.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.