Malleeshiyaad hubeysan oo dhibaato ku haya Shacabka degmo kamid ah Muqdisho

Degmada Kaaraan ayaa waxa ku sugan Malleeshiyaad hab beeleed u abaabulan, oo shacabka ku haya dhibaatooyin sii xoogeysanaya oo maamulka ka wax qaban waayay.

Warar Keydmedia Online
Malleeshiyaad hubeysan oo dhibaato ku haya Shacabka degmo kamid ah Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Malleeyshaad hubeysan oo ku labisan dareeska Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegayaa in dhibaato ba’an ku hayaan bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir .

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in Ciidamo Malleeshiyaad ah ay amni darro kawadaan degmada, kuwaasoo bulshada u geysto dhac iyo dil, balse wax laga qaban doono.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadaan dhacdooyin xanuun badan ay geystaan, oo ay mararka qaar sameeyaan falal bani’aadanimada ka baxsan, isagoo intaa ku daray in ay ku labisanyihiin dareeska kala dhiman ee Ciidamada.

“Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa heer in Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo, waxaa dhibkaas geysanaya waa rag wata dareeska Ciidanka oo kala dhiman,waana muhiim in la sugo amniga degmada," ayuu yiri Taliye Khaliif.

Waxuu ugu baaqay bulshada in ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana la shaqeeyaan Ciidamada amaanka, si looga hortago shaqsiyaadka falalka amni dararada ah ka wada degmada.

Degmada Kaaran ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amniga xun Muqdisho, waxaana bishii February ee sanadkaan lagu dilay Xidlhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aan weli la soo qaban dableydii hobeysneyd ee toogatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.