Manaxa yaasha khawaarijta Al-shabaab (Baraanbur) Daawo Video.

Anoo ah Nasra Jama Suuley, ahna hooyo iyo ardayad qurba joog ah waxaan umada soomaaliyeed gaar ahaan ardeyda Soomaaliyeed oga tacsiyeynayaa dhibkii iyo bururkii ay khawaariju ugeysteen 4 October iyo Qarixii Shamow. Waxaan leeyahay Illaahay samir iyo iimaan hanagasiiyo walaalahii iyo ubixii soomaaliyeed ee lagardarna oo lagu gooyey labadaa qarax ayadoo inta kale ay dhi jooto ah kusuganyhiin.
Warar Keydmedia Online
Manaxa yaasha khawaarijta Al-shabaab (Baraanbur) Daawo Video.

Anoo aad oga xumaaday arintii naxdinta lahayd ee dhacday 4tii October ayaan waxaan go,aansaday in aan tix habaar ah khawaarijka lagau magacaabo cali dheere iyo kooxdiisa.

Cali dheeraw
Kii caruurteena jarayow
Kii ciideena gubayow
Kii ciroolaha qarxiyayow
Kaaga cabanay Rabiye
candho aan dawo lahayn
laguu gali caloosha
Cudarada juudaan
Caadka iyo qooraha
 lagaa gali cidiyaha
Cuncun aanan kaa harin
Caqligoo lagaa wado
Cimrigaagu kudanbee
Cududaha lagaa goo
Illaaheena caadila
Ciidaan korkeeda
Caadaabdiisa jahanabo
Ciqaabtiisa  kugu marih
Inta kula caqiidaa
Ama ciidankaagaa
Ama caloosha kaa jacel
Ama cood ku siisa
Illaaheena Caadila
Cidna kama qarsoontee
Ceebtiina daahiri
Cirka iyo dhulkuba Cadowgiina laga yeel
Meel aad ku carartaan ha helina ciirsimo
Ha calfanine dunidaan, Cunto aad ku faraxdaan
Biyahaad cabaysaan
Cusbo aad u kulul iyo ciin naara inku noqoy
Cimrigiinu gaabay
Xoolaha ka ceyrtooba
Inka carartey maradu
Ciidu ina dacweysay
Intaad caalim goyseen
Cuuryaamiseen ardey
Hooyo ciil badeen
Aabe ciida galiseen
Caziizkey inii qabey
Sida cadceeda oo kale
Oon caadna kaa xigin
Calaamo aan qarsoomeyn
Laga cuudu bileysto
Cindigiina laga yeel
Cidkala ma asiibtee
Ha ahaato CALEYKUM
Illaahana caadil ahaw
Qur aankaaga caziizkaa
Cabasa iyo Ancaam
Camma iyo Al-kahf
Ayaan kugu codsadaye,
Cabashadeyda ajiib

Nasra Jama Suulay
nasrojaamac@hotmail.com