Maqaamka Muqdisho oo noqday mid Olole Doorasho lagu galo

Gobolka Banaadir ayaa mudo dheer raadinayay inuu helo matelaad siyaasadeed, maadaama shacabkiisa laga qaado canshuurta uu badan.

Warar Keydmedia Online
Maqaamka Muqdisho oo noqday mid Olole Doorasho lagu galo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay khudbad ka jeedinayay xus loogu dabaaldegayay 1da Luulyo oo xisbigiisa ku qabtay Hotel Afrik ee Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan, oo ku saabsan siyaasadda dalka, gaar ahaan maqaamka Caasimadda.

CC Shakuur ayaa sheegay in Taabit Cabdi Maxamed, duqii hore ee caasimadda uu xilkiisa ku waayay maqaamraadinta Muqdisho.

Waxuu sheegay in xilli habeen ah Dowladda ciidamo duldhigtay xarunta gobolka Banaadir oo uu kasocday shir looga hadlayay maqaamka Muqdisho, xilligii uu joogay Taabit Cabdi.

Sababta xilligaan keentay maqaam-raadinta, ayuu sheegay C/raxmaan Cabdishakuur in ay tahay olole ay dowlada haatan jirta ku geleyso arinta gobolka Banaadir doorashadda. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii sheegay in Muqdisho haatan aysan anfaceynin in 13 kursi laga Aqalka Sare laga siiyo, maadaama aysan jirin Gole deegan oo Xildhibaanada dooran lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.