Mar kale: Fatahaad Webiga Shabelle oo Dadkii Degaanka Barakicisay

Muqdisho (KON) -Tuulooyin hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa laga soo sheegay in fatahaad ku habsatay oo ka timid Saameyn Webiga Shabelle, waxaayna wax yeelo u geysatay Dad iyo Duunyadii halkaas ku noolaa.
Warar Keydmedia Online
Mar kale: Fatahaad Webiga Shabelle oo Dadkii Degaanka Barakicisay

Bulshadda Deegaanka ayaa Keydmedia Online u xaqiijisay in ay Dad fara badan Guryahoodii ka Barakaceen kuna dhiinteen Xoolo Lo'o u badan, Beerihiina ay Biyo qaadeen.

Waxaa Keydmedia loo xaqijiyey in aysan teer iyo haatan jirin wax Gurmadda ah oo xaga Dawladda uga yimid oo haddana laga sugeyn in ay u diir naxaan Dadkaas Barakacay.

Labo Caruur ayaa la sheegayaa in ay ilaa iyo hada ku dhinteen fatahaada Wabiga Shabeelle.

Wariyaha Keydmedia Online oo haatan Magaaladda Balcad ku sugan ayaa ku hawlan in u soo qeymeeyo Xaaladda, ka dibna Akhristayaasha u soo gudbiyo.

Keydmedia Online