Maraykanka oo kodhinaya duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab

Maraykanka ayaa u arka in Al-shabaab lagu jebin karo duqeymaha dhanka cirka ah.

Warar Keydmedia Online
Maraykanka oo kodhinaya duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab

Taliska ciidanka Maraykanka ee (AFRICOM) ayaa sheegay in la kordhinayo duqeymaha lala eegto Al-shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in ururka Al-shabaab ay halis weyn ku yihiin ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo danaha Maraykanka.

Sidoo kale, waxay AFRICOM sheegtay in Al-shabaab ay fuliyaan weeraro toos ah, qaraxyo gaadiid laga soo buuxiyey iyo miinooyin ay waddooyinka ku aasaan.

Maraykanka ayaa sababta uu u kordhinayo duqeynta Al-shabaab waxay tahay kadib markii ciidankoodu waxyeello ay kasoo gaartay weeraro Al-shabaab ka fuliyeen gobollka Jubbada Hoose.

Dowladda Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageerta duqeynta dhanka cirka ah, howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, tababarka ciidamada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Duqeymaha ay Maraykanka ka fuliyaan dalka ayaa mararka qaar wax ay waxyeello kasoo gaartaa shacab aan waxbo galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.