Maraykanka oo Soomaaliya u saxiixay heshiis deyn cafin ah

Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka horey u sheegay in ay Soomaaliya ka cafiyeen qeyb ka mid ah deyntii ay ku lahaayeen.

Warar Keydmedia Online
Maraykanka oo Soomaaliya u saxiixay heshiis deyn cafin ah

Safaaradda Maraykanka ay ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay kulan lagu saxiixayey cafinta qaar ka mid ah deymaha ay dowladda Maraykankaku leedahay Soomaaliya.

Kulankan waxaa ku sugnaa Ra'iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Y. Yamamoto.

Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa isku raacay in laga dhabeeyo ballanqaadkii ahaa in Soomaaliya ka xorowdo deymaha caalamka lagaga leeyahay.

Wasiir Bayle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday, ayna rajeynayaan in dalal kale ay sidan u saamaxaan daymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

"Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan"

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladdiisu mar walbo garab taagan tahay Soomaaliya, kalana shaqeyneyso sidii deymaha looga cafin lahaa.

Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo socday sanado badan, walow dowladda Farmaajo ay nasiib u yeelatay in iyada oo joogta ay dalalka caalamka qaarkood ku dhawaaqaan in Soomaaliya ay ka cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.