Maraykanka oo xoojinaya Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay iney xoojin doonto howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab, kadib kulan ay la yeesheen madaxda dowlad goboleedyada qaarkood.

Warar Keydmedia Online
Maraykanka oo xoojinaya Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Magaalada Muqdisho ayaa kulan waxa uu ku dhex-maray safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamomota, taliyaha AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson, madaxda dowlad goboleedyada Puntland Saciid C/laahi Dani, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta Gareen, waxaana kulankaan martigelisay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayey ammaanka guud ee dalka iyo sidoo kale taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya.

Dhinacyadan ayaa isku soo qaaday sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah A-shabaab, la iskana kaashan lahaa dhanka horumarrada.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamomota ayaa sheegay in xilli walbo ay diyaar u yihiin sidii loo gacan siin lahaa ciidanka Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan in Al-shabaab ka saaraan dalka, walibana dalkooda ay iyagu gacanta ku wada dhigaan.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan sheegtay in amniga Soomaaliya ay ku bixisay lacag ka badan 5 bilyan oo doolar 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-shabaab, dhismaha ciidamada qalabka sida iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya deegaanada ay ay heystaan Kooxda Al-Shabaab, iyagoona mararka qaar wax yeeleeyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 November 2020 19:41

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.