Maraykanka oo ka hadlay diyaaradii ku soo dhacday Soomaaliya

Muqdisho (KON) Diyaarad Maraykanka laga leeyahay ayaa ku burburtay dalka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanka.
Warar Keydmedia Online
Maraykanka oo ka hadlay diyaaradii ku soo dhacday Soomaaliya

 

“Waxaan xaqiijin karaa in diyaarad nooceedu tahay RPA oo meelaha fog laga hago inay ku dul buburtay meel kamid ah koofurta Soomaaliya” sidaasi waxaa sheegay saraakiil ka tirsan waasaarada difaaca Maraykanka oo magacooda ka gaabsaday.

Arinta baaritaan ayaan ku heynaa” ayuu mar kale u sheegay sarkaalka oo la hadlay wakaalada wararka AFP.

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu wax fafaahin ka bixiyo qaabka diyaarada ay u dhacday inay aheyd mid Al-shabaab ay soo rideen iyo inkale.

Alshabaab ayaa maalintii shalay sheegay in diyaarada oo aheyd nooca wax basaasa ay soo rideen.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho