Maraykanka oo tababar siiya Ciidamda Kenya ee ka howlgala Soomaaliya

Nairobi (KON) - Sidey Keydmedia Online horey usoo qortay, Ciidamda Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa tababar u bilaabi doona Ciidamda Kenya ee ka howlgala Jubbooyinka.
Warar Keydmedia Online
Maraykanka oo tababar siiya Ciidamda Kenya ee ka howlgala Soomaaliya

Tababarkaan ayaa sida ay Dowlada Mareykanka sheegtay bilaaban doona dhawaan, Laakiin Keydmedia Online ayaa 2 Bilood kahor soo qortay inay Jirto Ciidamo ka tirsan Dowlada Mareykanka, Fransiiska iyo Ingiriiska oo tababar siiyay Ciidamda Kenya.

Kooxaha tababarka bixinaya oo ka tirsan guutada 2-aad ee milateriga Maraykanka ee loo yaqaanno Daggar Brigade ayaa lagu wadaa in la geeyo in ka badan 35 dal oo ku yaalla Afrika labada bilood ee soo socota.

Tirada guud ee ciidanka milateriga Maraykanka ee loo dirayo qaaradda Afrika ayaa lagu qiyaasay 4000 oo askari si ay tababar u siiyaan ciidamada dalalka dagaalka kula jira kooxaha argagaxisada ah.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi