Mareykanka: DF ha qaadato mas’uuliyadda amnigeeda

Soomaaliya ayaa noqotay mashruuc ay usoo shaqo tagaan askarta dalalka deriska, iyadoo askari kasta la siiyo mushaar ahaan bishii $1,200 halka midka Soomaaliya uu la'yahay $200.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka: DF ha qaadato mas’uuliyadda amnigeeda

WASHINGTON - Tibor P. Nagy, oo hore uga tirsanaa Wassaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, gaar ahaan qeybta Arrimaha Afrika, soona noqday safiirka Mareykanka ee Guinea iyo Itoobiya ayaa ka fal-celiyay diidmada dowladda federaalka, ee ku aaddan wax ka beddelka howlgalka Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday soo jeedin ka timid Midowga Afrika oo ku aaddanayd in Ciidamada AMISOM loo rogo hawlgal isku dhafan, oo UN-ka qeyb ka yahay.

Tibor Nagy, oo arrinkaas ka duulaya ayaa sheegay in Soomaaliya looga fadhiyo in ay qaadato masuuliyadda amnigeeda, maadaama ay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya dhawaan ku eedeeyay Gudiga Nabada iyo Amniga Midowga Afrika inuu ku xad-gudbay Madax-banaanida dalka.

“Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn isbeddellada la soo jeediyay ee AMISOM ha qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda”. Ayuu yiri Tibor Nagy, oo qoraal gaaban soo dhigay bartiisa Twitterka.

Wuxuu xusay in ciidammada Soomaaliya marka la isku daro aad ayey uga badan yihiin Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab, isla-markaana looga fadhiyo in ay dagaalka kusoo af-jaraan hal maalin, hadaalkaas waxaa loo fasirtay ku digo uu Tibor Nagy, kula kacay Ciidamada Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan”. Ayuu ku soo af-meeray hadalkiisa.

Nagy waa hawl-gab , soo noqday safiirka Mareykanka ee Itoobiya iyo Guinea iyo sidoo kale, wuxuu soo noqday Ku -xigeenka Ergeyga Nigeria, Cameroon iyo Togo. Dalalka Zambia iyo Seychelles, ayuu sidoo kale ka soo shaqeeyay.

Gollaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, ayaa meel-mariyay qorsho cusub oo isbedel loogu sameynayo qaab dhismeedka howlgalka AMISOM.

Waxaa lagu heshiiyay in howlgalka laga dhigo mid ka dhaxeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey, oo Ciidamo kusoo biirinaysa si loo bedelo wajigii AMISOM, ee dhicisoobay.

Dalalka hadda Ciidanka ka joogaan Soomaaliya oo kala ah Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa qeyb kasii ahaan doona, waxaana kusoo kordhaya askarta UN-ka.

Qorshahan ayaa ku dhisan cutubta 7aad ee Axdiga UN-ka, iyadoo go'aankan ansixin ka sugayo Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, oo markii hore AMISOM awoodda siiyay.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa ansixin iyo ogolaansho laga sugayaa. Maamulka Farmaajo ayaa horey sanadkan u diiday qorshahan isbedelka loogu sameynayo AMISOM.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay Gudiga Nabada iyo Amniga Midowga Afrika inuu ku xad-gudbay Madaxbanaanida dalka.

Waxay Soomaaliya ugu baaqday Midowga Afrika inuu ixtiraamo rabitaanka dalka oo ah in marka AMISOM baxdo, mas'uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidanka qaranka [SNA].

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.