Mareykanka iyo Ingiriiska oo u hanjabay Madaxda Soomaaliya

Labo ka mid ah shanta Dowladood ee Golaha Ammaanka ku leh codka qaxayan ayaa ugu hanjabay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya inay cunaqabateyn la kulmi doonaan.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka iyo Ingiriiska oo u hanjabay Madaxda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Mareykanka iyo iyo Ingriiska oo ka mid ah Shanta waddan ee Golaha Ammaanka ku leh codka qaxayan ayaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu hanjabay in ay dusha saaranayan cawaaqib xumada ka dhalata, isku tanaasul la’aantooda la xariirta hirgalinta doorasho la isla oggol yahay oo ka dhacda dalka.

Dowladahaan awoodda badan ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegay Madaxda uu muranku ka dhexeeyo in cid kasta oo tanaasul la imaan weyda, danaheeda gaarka ahna ka hormarisa danta guud, ay wajihi doonaan cunaqabateyn dhaqaale, mid safar iyo in loo aqoonsado qaswade.

Xaafiiska Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka ka mid ah goobaha loo diray hanjabaadda ka timid waddamada ay wakiilka ka yihiin, Ms Kate Foster iyo Donald Yamamoto.

Ismariwaa xooggan ayaa ka taagan qabashada doorasho dalka ka dhacda oo la isla oggolyahay, taas oo ku qotonta heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho, iyo soo jeedintii guddigii Baydhabo ku shiray 16-lii February 2021.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore ugu baaqay in la isku tanaasulo, si looga fogaado dib u dhc ku yimaada rajada dowladnimada, waxayna ku celceliyeen in aan la aqbali doonin doorasho, cid gooni ah u xiran, kuwo is barbar socda iyo middo kororsi toona.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.