Mareykanka oo hanjabaad kale u diray Madaxda Soomaaliya

Waa hanjabaadii 4aad oo tan iyo sanadkii tagey Safaaradda Mareykanka ay soo saarto, iyadoo cadaadis ku saareysa Madaxda qaranka inay heshiis deg deg ah ka gaaraan doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo hanjabaad kale u diray Madaxda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay qoraal kale oo ay ugu caga-juglaynayso Madaxda Soomaalida ee ku shirsan magaaladda Dhuusamareeb maalintii 2aad.

"Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka waa inay xalliyaan dhammaan khilaafaadka oo ay qabtaan doorashooyinka waqtiga ku habboon, iyadoo aan la raadin wax ka duwan heshiiskii 17-kii September ama hanaan barbar socda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Safaaradda Mareykanka ayaa canaanteeda noqotay mid isdaba joog ah si ay u cabsi geliso Mucaaradka Farmaajo, oo horey u sheegay inay qaban doonaan doorasho barbar socota mid Villa Somalia qabanayso, iyagoo dhisay gudi doorasho.

Waxay dowladda Mareykanka cadaadiska ay saareyso Mucaaradka ku doonaysaa inay ku taageerto Farmaajo oo rabo in hanaan doorasho uu kusoo laaban doono dejistay, sida ka muuqato qoraalladeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.