Mareykanka oo kordhiyay cunaqabateynta Soomaaliya

Madaxweynaha dhawaan galka ah ee Mareykanka Joe Biden, ayaa kordhigay cunaqabateynta saran Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo kordhiyay cunaqabateynta Soomaaliya

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar lagu kordhinayo ugu yaraan sanad kale cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanku saaray Soomaaliya taas oo ay horay u ansixiyeen Madaxweynayaasha kala ah Barack Obama iyo Donald Trump, Sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Mareykanka Biden, ayaa saxiixay digreetadaan, iyadoo loo eegayo xaaladaha amni ee Soomaaliya, lana tax galinayo wareegtooyin hore oo soo kala baxay, April 12, 2010 iyo July 20, 2012.

Wareegtooyinka hore oo uu saxiixay, Madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka Barack Obama, isla markaana tirsigoodu ahaa 13536 iyo 13620, ayaa lagu sheegay, xaalad deg deg ah oo arrimaha Dibadda Mareykanka la xariirta, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah awoodaha dhaqaalaha deg degga ah, kaas oo looga hor tago khatarta aan caadiga ahayn ee wajahaya, amniga iyo siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Khtarahaan ayaa lagu sheegay,  Xaaladda amniga iyo joogteynta rabshadaha ka jira Soomaaliya, falalka burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee ka socda badaha Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood ahaa qodobbo taabanaya go'aannada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, iyo cunaqabateynta hubka ee Goluhu saaray Soomaalya.

Dhoofinta Dhuxusha, oo dhaqaalo badan ay ka sameyn jireen Al-Shabaab, ayaa ka mid ah qodabada soo baxay bishii July 20, 2012, Musuqa iyo dilka dadka shacabka ah sidoo kale lagu sheegay digreetadii 13620.

Waregtada ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa lagu sheegay in xaaladda amni ee Soomaaliya aysan wali fadhin kana imaan karto khatar aaan caadi ahayn, taas oo wax yeeleyn karta Amniga iyo Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Mareykanka, sidaas daraaddeed la sii amba qaadi doono wareegtooyinkii hore, waxaana hal sano oo dheeraad ah lagu daray Digreetadii Madaxweyne ee Soo baxday 2010.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.