Mareykanka oo war kale kasoo saarey muranka doorashooyinka

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal ay ku boorinayso madaxda dowladda Soomaaliya xalinta muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo war kale kasoo saarey muranka doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee la xiriirta doorashada dalka "Mareykanku wuxuu ku boorrinayaa Madaxweyne Farmaajo iyo qeybaha kale ee hoggaanka dowladda Soomaaliya inay wax ka qabtaan sidii loo xallin lahaa jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka si loogu oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha si deg deg ah" ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay dowladda Mareykanka

"Dhibaatada siyaasadeed ee sanadkii la soo dhaafay waxay dhalisay natiijo la'aan niyad jab leh oo la xiriirta la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo hagaajinta amniga" ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta. "Horumarka dhaqaalaha ka dib markii la gaaray marxaladda koowaad ee deyn cafinta, iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto cunno yarida iyo aafooyinka dabiiciga ah ee halista ugu badan leh dadka Soomaaliyeed.

"Si deg deg ah in loo xaliyo ismari waaga doorashada ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Waana masuuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa gobolka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed, taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka mudan kan ugu fiican madaxdooda" ayaa sidoo kale lagu yiri

Qoraalka kasoo baxay dowladda mareykanka ee looga hadlayo arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka iyo xallinta muranka ka taagan ayaa lagu soo gabagabeeyay "Hadda waxaa la joogaa xilligii la xallin lahaa arrimaha taagan oo la dhammayn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka".

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.