Mareykanka oo ku qasbay Farmaajo inuu shir cusub qabto

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Farmaajo uu ogolaaday inuu shir cusub isagu keeno Muqdisho dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo ku qasbay Farmaajo inuu shir cusub qabto

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbaly inuu qabto shir cusub oo isagu keenayo Madaxda shanta Maamul Goboleed ee kala ah, Puntland, Jubbaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfir Galbeed, si markale loo gaaro heshiis dhameystiran oo doorashadda.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo dhigtay bogga Twitter-ka ku leedahay ayaa lagu xaqiijiyay shirka, iyadoo uga mahadcelisay Villa Soomaaliya inay Caasimadda isagu keento Madaxda Maamullada.

"Waxaan ku dhiiragelinaynaa dowladda iyo Maamullada inay si wado-ogol ah u dhameystiraan heshiiska doorashadda," ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo intaasi ku daray in Madaxweyne Qoor Qoor looga mahadcelinayo kaalintii uu ka qaatey Wadahadallada.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid saacado kadib markii Villa Soomaaliya ay ku kulmeen maanta Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoo kawada hadlay arrimaha muran ka taagan, oo ay kamid yihiin Ciidanka Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.