Mareykanka oo qorsheynaya in wadahadal lala furo Al-Shabaab

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, ayaa loo soo bandhigay fursad wadahadal, oo u suura-galin karta in laga saaro liiska Argagixisada, loona aqoonsado Koox diimeed xukun doon ah.  

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo qorsheynaya in wadahadal lala furo Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay muujinayaan xogo hoose oo laga helay ilo sir-doon, dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay aragti ka duwan habka hadda loo wajaho Kooxda Al-Shabaab [Dagaalka] wuxuuna ku taamayaa hirgalinta hannaan wadahadal oo horseedi kara xal aan xabbad lagu keenin.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Xukuumadda Washington, ayaa qorshahaan bilo ka hor la wadaagtay qaar ka mid dalalka Yurub ee daneeya arrimaha Soomaaliya, ka hor inta aan aqbaarta la gaarsiin Dooxa, si dalka Qatar uu qeyb kaga qaato hirgalinta arrinkaan.

Intii lagu guda jiray bishii Juun, (Bartamaha sanadka) ayaa Al-Shabaab la hor dhigay dhowr qodob, sida xoguhu caddeynayaan, hayeeshee, Reer galbeedku, ma aysan helin jawaab ku filan taas oo sababtay in afar ka mid ah hoggaanka Al-Shabaab Madaxooda la dul-dhigo Malaayiin dollar.

Qodobbada la hor dhigay Kooxda ku xooggan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa kala ah;

  • In ay ka baxaan Ururka Al-qaacida
  • In ay joojiyaan weerarrada dalalka dariska
  • In ay u hoggaansamaan sharciyada caalamiga

Sida ku cad xogaha soo gaaray KON, Al-Shabaab, ayaa wali fursad u heysta in ay ka jawaab celiyaan qodobadaan, taas oo ugu horreynba suura-galin doonta in ay xaafiis wadahadal ku yeeshaan dalka Qatar, halkaas oo ay sidii Dhaalibaan ku gali karaan gorgortan siyaasadeed.

Gacanta Al-Shabaab, ayaa galaafatay kumannaan Soomaali ah, oo intooda badan ku sugan Koofurta dalka, gaar ahaa Caasimadda Muqdisho, waxayna si joogto ah u beegsadan dadka ka aragtida duwan oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha Dowladda Federaalka.

Wada-hadallo ay garwadeyn ka ahaayeen dalal ku yaalla Yurub iyo Asia, ayaa ugu danbeyn hirgaliyay in 20 sano kadib ay Kooxda Dhaalibaan dib ula wareegaan Maamulka Afghanistan, inkastoo USA, ay ka bixitaanka Kabul, ku macneysay soo af-meeridda howl-galkii 20-ka sono jirsaday.

KEYDMEDIA ONLINE   

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.