Mareykanka oo sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta Farmaajo

Dowladda Mareykanka oo kamida dowladaha taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya ayaa ka hor yimid go'aankii Golaha Shacabka ee ay muddo kordhinta ku sameysteen iyaga iyo madaxweyne Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta Farmaajo

WASHINGTON - Guddi u qaabilsan xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay muddo kordhinta ay Xildhibaannada Shacabka BJFS u sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda federalka Soomaaliya.

Doorashooyinka waqtigooda dhaca waa tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda caafimaadka qabta. qorshaha muddo kordhintu waa jebinta qawaaniinta dimuqraadiyadda & halista xasilloonida Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoralka.

Qoraalkan ayaa lagu daabacay barta Twitter -ka Senator Bob Menendez oo ah madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka waxaana lagu sheegay in tallaabadaas ay curyaamineyso geedi socodkii lagu baadi goobayay qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo.

Sanatarka ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha in ay gaaraan is afgarad, isla markaana la joojiyo isku dayga lagu wiiqayo wadahadalka oo ah waddada loo maro doorashooyin lagu kalsoon yahay.

Muddo kororsiga uu sameeyay Golaha Shacabka BJFS ayaa u muuqda go'aan qar iska tuurnimo ah kaasoo uu si ulakac ah ugu dhaqaaqay goddoomiye Mursal isagoo jabiyay Dastuurkii qabyada ahaa ee markii hore in la dhammeystiro la awoodi waayay afartii sano ee ay maamulka hayeen kooxda Farmaajo.

Aqalka sare ee dalka ayaa diiday go'aanka, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].