Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ku sugan magaalda Muqdisho in ay ka ag dhawaadaan goobaha loo qorsheeyay in ay ka dhacaan bannaanbaxa maalinta jimcaha ay ku dhawaaqeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.
MUQDISHO, Somalia - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin ka dhan ah mudaharaadka berri la filayo inay mucaaradka ka dhigaan daljirka Dahsoon.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa looga digay inay tagaan goobaha la qorsheynayo inay dibadbaxyadani ka dhacaan, si looga fogaado khasaaro kasoo gaara rabashado halkaa ka dhaci kara.
Mareykanka ayaa sheegay in mudaharaadka Jimcaha uu yahay mid cabsi badan xambaarsan, oo laga digayo isku dhacyo dhexmara Ciidanka dowladda iyo ilaalada Musharixiinta.
Musharixiinta ayaa degay huteello ku dhaw Daljirka Dahsoon, si aysan Ciidanka wadooyinka uga xiran berri, maadaama sida muuqata Farmaajo uu diyaariyay qorshe uu ku baajinayo banaanbaxa maamulkiisa looga soo horjeedo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments