Mareykanka oo u hanjabay kuwa hor taagan hirgalinta doorashada

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa loogu hanjabay Hoggaamiyaasha Siyaadadda Soomaaliya, in tallaabo diblumaasiyadeed laga qaadi doono haddii aysan waqtiga loogu talagalay ku qaban doorashada.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo u hanjabay kuwa hor taagan hirgalinta doorashada

WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya ugu gooddisay in ay xayiraadyo dhanka socdaalka ah kusoo rogi doonto haddii uu sii socdo dib-u-dhac doorashooyinka Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, oo war-baahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo kuwa heer Federaalka in ay ilaaliyaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyay, isla markaana dhaqan galiyaan heshiiskii dhawaan lagu saxay khaladaadkii hore.

Ned Price, wuxuu ku hanjabay in Maraykanku uu xayiraad dhanka Socdaalka ah uu kusoo rogayo cid kasta oo ka hor timaadda hannaanka lagu hirgalinayo doorashooyinka ama soo kordhisa caqabad cusub oo abuuri karta xasillooni darro hor leh.

“8 Febraayo waa sanad guuradii 1-aad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraadda Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yiri Ned Price.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxa ay hore Farmaajo ugu qasabtay inuu taageero heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo yoolkiisu ahaa in lagu saxo khaladaadkii ka soo laabtay hannaankii la isla qaatay bishii Agoosto 2021.

Hadalka Ned Price, wuxuu ku soo aaday saacado yar kadib, markii safaaradda uu dalka Mareykanku ku leeyahay Muqdisho shalay ku baaqaday in madaxda siyaasadda Soomaaliya soo gabagabeeyaan hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo.

Mareykanka iyo waddamada ku aragtida ah waxa ay muddo ku celcelinayeen in laga fogaado daandaansiga siyaasadeed ee sababi kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado ama ugu yaraan caqabad ku noqon kara doorashada, halka si joogto ah u soo jeediyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan u jeeddo siyaasadeed.

Sidaas oo ay tahay, Farmaajo, wuxuu wadaa abaabul ciidan, wuxuu danihiisa gaarka ah u adeegsanayaa ciidanka QS, oo ay hoggaamiyaan saraakiil isaga daacad u ah, wuxuuna si joogto ah ciidanka ugu dhex milayaa siyaasadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.