Mareykanka oo war ka soo saaray kulamadii ay la qaateen Axmed Madoobe iyo Deni

Sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Safaaradda, Donald Yamamoto ayaa la kulmay madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxaana laga wada hadlay dhameystirka shirkii Dhuusamareeb 3.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo war ka soo saaray kulamadii ay la qaateen Axmed Madoobe iyo Deni

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war ka soo saartay kulamadii ay shalay la qaadatay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo dhawaan caasimadda soo gaaray.

Qoraal kooban oo ka soo baxay ayaa lagu sheegay in safiirka Mareykanka u joogo Soomaaliya uu Axmed Madoobe iyo Deni kala hadlay sidii loo dhameystiri lahaa shirkii Dhuusamareeb 3, iyo sidii loo heli lahaa doorasho wada ogol laga yahay oo dhacda 2020/21.

“Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya waxaa shalay uu la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Waxay ku kalsoon tahay in labadan siyaasi ay Villa Somalia kala shaqeyn doonaan dhameystirka iyo fulinta heshiiskii Dhuusamareeb 3. Soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis iyo tanaasul. Waxaa la joogaa xilligii ay hogaamiyayaasha muujin lahaayeen xikmad,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka caga jiidsan hanaanka ay dowladda madaxweyne Farmaajo u wajaheyso doorashada soo socto iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay horay u qaadaceen.

Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hor boodayo Mareykanka ayaa madaxda Jubbaland iyo Puntland ku cadaadinaya sidii ay miiska u soo fariisan lahaayeen, islamarkaana heshiis ula gaari lahaayeen dowladda Federaalka si dalka ugu jiheysto doorasho loo dhanyahay.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.