Marka dhalinyardu daawooyinka u isticmaalaan maandoorin

Sanadihii u danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay dhalinyarada isticmaasha daawooyinka Opiates, kuwaas oo asalkooda loogu tala-galay xanuun baabi’iyayaal, hayeeshee loo adeegsan karo maandoorin.

Warar Keydmedia Online
Marka dhalinyardu daawooyinka u isticmaalaan maandoorin

MUQDISHO, Soomaaliya - Qeyb ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si xad dhaaf ah u isticmaala daawooyinka Tramadol iyo Pethidine oo ka mid ah xanuun baabi’iyaasha noocyada ugu xooggan loona isticmaalo xanuunka daran ee ka dhasha xaaladaha halista ah sida kansarka, dhaawacyada iyo qalliimada.

Hayeeshee, daawooyinkaan ayaa leh la qabsi, waxaana loo isticmaali karaa maandoorin iyo sarkhaar, dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo hablo ayaa u istimaala doorsoomid,  si ay u dareemaan farxad ay aaminsan yihiin in aysan heli karin la’aanta daawooyinkaan.

Inta badan Farmashiya-yaasha Magaalada Muqdisho ayaa laga helaa daawooyinkaan, waxaadna meel kasta ku arkeysaa dhalinyaro isku duraya, isla-markaasna kuu sheegaya in aysan ku hayn wax xanuun ah.

Marka laga yimaado dhibka maskaxeed, jir iyo mustaqbal ee gaaraya dhalinyarada waxaa jira dhibaato ka dhan ah degaanka oo ay sababaan cirbadaha daawooyinkaan oo daadsan meel kasta oo magaalada ka mid ah, taas oo horseedi karta faafidda cudurro halis ah.

Bahda Opiates, waa koox daawooyin ah oo asalkoodu yahay xanuun baabi’iyayaal xooggan, waxaana ka mid ah Tramadol, Pethidine, Codeine, Methadone, Morphine, Heroin iyo Oxycodone, dhamaandood haddii si qaldan loo isticmaalo waxa ay noqdaan maandooriyayaal.

Daawooyinkaan waxa dhamaaantoodo ku yimaadaan kaniin ahaan, sharoobo iyo cirbad,  midda ugu caansan ugu raqiisan ee dhalinyarada Muqdisho isticmaalan ayaa ah Tramadol, waxayna dawaadaan u isticmaalaan si ka baxsan xadkii loogu talagalay.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen Howl-wadeenno caafimaad waxaa todobaadyasii la soo dhaafay sara u kacay tirada dhalinyarada u geeriyoday cirbadda Tramadol, taas oo sababta in qofku qalalo oo miyirku ka tago, kadibna wadnuhu istaago si deg deg ah, todobaadkaan labo gabdhood oo da'yar oo sababsaday Tramadol ayaa loo xaqiiyay KON.  

Daawooyinkaan ayaa sababa cuduro waaweyn, sida in qofku lumiyo koontaroolka, wadno garaac, Qalalid, Kilyo xanuun iyo kuwao kale oo badan, dhaqaatiirta ayaana ku talinaya in Maamulka Gobolka iyo Dowladda Fadaraalku wax qabtaan dhibaatada sii kordheysa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.