Markab lagu weeraray xeebaha Soomaaliya

Weerarrada burcad badeedda ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowday howlgalka la dagaalanka burcad badeedda.

Warar Keydmedia Online
Markab lagu weeraray xeebaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab ku soo wajahnaa dekedda Muqdisho maalmo ka hor ayaa si dirqi ah uga bad-baaday burcad-badeed Soomaali ah 13-kii bishan, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday howlgalka midowga Yurub ee loo gaar yeelay la dagaalanka burcad badeedda.

“Weerarka oo qorsheysnaa waxaa fuliyay afar nin oo la socday Doon yar oo ah nuuca dheereeya, waxay damacsanaayeen in ay qafaashaan markabka, balse gurmad deg-deg ah oo dhinaceenna ka yimid ayaan u oggolaan in ay qabsadaan," ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay EUNAVFOR.

Inta aysan soo gaarin Ciidanka Midowga Yurub, iska caabbin qaadatay in ku dhaw nus saac ayaa dhexmartay ilaalada markabka iyo burcad-badeeda, waxayna ku guuldareysteen in ay gacanta ku dhigaan. Si nabd galyo ah ayuu markabka ku gaaray dekedda Muqdisho oo uu ku wajahnaa.

Weerarrada burcad badeedda ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowday howlgalka la dagaalanka burcad badeedda 2009-2010.

Wixii ka dambeeya 1-da September 2021 oo ku asteysan Arbacada soo socota ee toddobaadkan ayuu sheegay xafiiska Baddaha Caalamiga (IMB), in dib loo howlgelinayo ciidamada ilaalinta nabadgalyada badda si ganacsiga uu isugu gudbo Geeska Afrika loona dhimo awoodda Burcadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.