Markab ku gubtay dekadda Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Waxaa xalay fiidkii dekadda magaalada muqdisho markab soo gaaray ka kacay dab xoogan oo sababay qasaaro.
Warar Keydmedia Online
Markab ku gubtay dekadda Muqdisho

Markabka uu dabka ka kacay ayaa waxa saarnaa dhuxul waxaana  sida la sheegay markabka uu ka soo rakaabsaday qeyba ka mid ah dekadaha macmalka ah ee dalka.

Waxa uu ka diiwaangashanaa markabka  Dalka kooriyadda koonfureed waxaana saaran shaqaale badan oo u kala dhashay dalal dhawr  ah.

Xubno ka tirsan shaqaalaha dekadda muqdisho  ayaa xaqiijiyay in markabka uu ahaa mid  sahay shidaal ka qaadanayay dekkadda, waxaana  uu xusay in inta badan qataraha ceynkan oo kale ah ay la kulmaan marakiibta dhuxusha sida ee dekadda ku soo xirtay.

Waxaa la xaqiijiyay  in lagu guuleestay daminta dabka kacay kaasoo shaqaalaha dekadda ay ka gacansiiyeen  ciidamada Amisom ee ilaalada ka haya dekadda Muqdisho.

www.keydmedia.net