Markiibtii Soomaaliya oo dib loo soo celinayo

Muqdisho (KON) - Waxaa Maanta soo ifbaxay dadaalo ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay Dowladda Yamen dib uga soo celiso Maraakiibtii laga lahaa Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen Dowladda Yemen.
Warar Keydmedia Online
Markiibtii Soomaaliya oo dib loo soo celinayo

Kulan la xiriira arimaha dib u soo celinta Maraakiibtaasi ay Soomaalida lahaayeen ayaa Maanta waxaa uu dhexmaray Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Eng. Maxamed Aadan Axmed iyo Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho Danjire Fuad Mohamed  Al-zurqah, iyadoo kulankaasina uu ka dhacay Xafiiska  Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.

Kulankaani ayaa ugu horeyn waxyaabaha looga hadlay ka mid ahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo fududeynta qaabka maraakiibta Soomaaliya ee fadhida Dekadda Cadan loogu soo kaxeyn lahaa dhanka Xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baaxay  Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalimaga ah kana warbixinayay kulankaani ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in dib loo soo celinayo Maraakiibtaasi ay Dowladda Yemen Gacanta ku heyso haatan, iyadoona ay war Saxaafadeedkaasi  wasaaradu ku sheegtay in ay isla markii la soo wareejiyo Maraakiibtaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactiri doono.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho