Mashaa’iiqda iyo Odayaasha Soomaaliyeed oo ka hadlay Dhibaateenta konfur Afrikaanka.

Muqdisho- (KON)- Qaar ka mid ah Mashaa’iiqda iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta Baaq u diray Dowladda Soomaaliya, Baaqaasoo ku wajahan in ay Dowladda Konfur Afrika ay kula Xisaabtanto Dhibaatooyinka ay u geysanayaan jaaliyadda ku dhaqan wadankaasi dadka u dhashay Konfur Afrika.
Warar Keydmedia Online
Mashaa’iiqda iyo Odayaasha Soomaaliyeed oo ka hadlay Dhibaateenta konfur Afrikaanka.

Malaaq Cali Malaaq C/raxmaan Shiino oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed  ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladda Konfur Afrika ay wax ka Ogtahay Dhibaateenta dhalintaasi Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadankaasi, isla markaasina aysan dooneynin ay sugto Amaanka dadka Soomaaliyeed ee ku sugan  wadankaasi Konfur Afrika.

 

“ Waxaan Dowladda Soomaaliya u sheegayaa in ay Dowladda Konfur Afrika kula xisaabtanto dhibaatoyinka ay dadkeeda u geysanayaan Wiilasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi, Dowladda Konfur Afrikana ma doneyso in ay sugto Amaankooda Dhalinyaradaasi ay sida Arxandarada ah u dilayaan Dadkeeda Ayuu yiri Malaaq Cali Malaaq C/raxmaan shiino oo ku sugan magaalada Beydhabo.

Sidoo kale Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Mashaa’iiqda Soomaaliyeed ayaa dadka Muqdisho ugu Baaqay in ay sameeyaan Dibad Baxyo Balaaran oo looga soo horjeedo dhibaateenta lagu haayo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan  wadanka Konfur Afrika.

 

Waxaa isa soo taraya hadalada Eedeenta ah oo ay dadka Soomaaliyeed u jeedinayaan Dowladda Konfur Afrika kadib markii ay Dadweyne aad u fara badan ay si Naxariisdarro ah wadada dhexdeeda ugu dileen Labo wiil oo soomaali ah.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho.




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.