Maslax M.Siyaad: Qorshaha Gaandi waa musuq iyo sharci daro

NAIROBI(KEYDMEDIA) Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maslax Max'ed Siyaad Barre oo iminka Madax ka ah xisbi la baxay xisbiga Dimuqaraadiyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wakiilnimada Ex PRO Max'ed Cabdi Gaandi uu dowlada Faransiiska wakiilka uga yahay Bariga Afrika in ay tahay Musuq Maasuq iyo Sharci darro.
Warar Keydmedia Online
Maslax M.Siyaad: Qorshaha Gaandi waa musuq iyo sharci daro
" Maamulka uu ku dhawaaqay Gaandi ee Anzania waa mid aan sharci aheyn, mana matalo gobalada uu sheegtay waxaana tani ay tahay mid Gaf ku ah sharciga" sidaa waxaa lagu yiri Warsaxaafadeed uu soo saaray Maslax Max'ed Siyaad oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Keydmedia. "Gaandi ma heysto taageerada bulshada deegaanka, waxaana tani ay u muuqataa natiijada qaab dhaqanka danbiilanimada ku saleysan ee ay ku caan baxeen ku tirsanayaasha TFG-da waayo Gaandi waa xildhibaan ka tirsan kooxdaasi marna wasiir ayuu soo noqday" sidaa waxaa yiri Maslax. Waxa uu ugu baaqay xisbiga dhamaan bulshada iyo cid walba oo dareen Soomaalinimo leh in ay ka hortimaado oo ay iska diido musuqa iyo nidaam xumada uu wado Gaandi. [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]